RW Khere oo la kulmay wafdi ka socda IGAD

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay xoghayaha maamulka urur gobaleedka IGAD, Dr. Workneh Gebeyehu iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho ku yimid dalka.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iy0 Dr. Wrorkneh Gebeyehu ayaa kulankooda uga wada hadlay arrimaha gobalka, guud ahaan xaaladda dalka iyo garab istaagga IGAD ee shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Dr. Workneh Gebeyehu oo socdaalkiisa uu dalka ku yimid uu ahaa booqashadiisii ugu horreysatay intuu uu ahaa xogyahaya IGAD ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyay soo dhaweyta, waxuuna hoggaanka dalka ku bogaadiyay dadaalka iyo ka go’naashahooda hormuudka u noqday in horumar laga gaaro qorshaha dib-u-habeynta.

Soomaaliya ayaa kamid ah aasaasayaashii urur gobaleedka IGAD oo ay ku mideysanyihiin dalalka Soomaaliya Djibouti, Ethiopia, Eritrea, Kenya, Suudaan, Sudaanta Koonfureed iyo Uganda.