Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan sheekh oo ka hadlay dib u dhaca doorashooyinka

Madaxweynihii hore ee Dawlada Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay dib u dhaca doorashooyinka dalka ayaa weerar dhanka afka ah ku qaaday madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in heshiis lagu yahay in afartii sano mar la qabto doorasho, isla-markaana kursiga madaxweynaha uu yahay mid la wada leeyahay.

Sidoo kale Xasan sheekh ayaa nasiib darro ku tilmaamay in Madaxweyne Farmaajo uu iska sii joogo xafiiska, iyada oo uu waqtigii ka dhammaaday, taa soo oo xusay in tahay mid aan heshiis lagu aheyn.

“Dalka waxaa lagu heshiiyay in afartii sanno mar doorasho dhacdo, Kursiga Madaxweynaha waa mid kawada dhaxeeya guud ahaan Soomaalida, balse ma aha in uu qof iska joogo, islama qaadan in uu qof iska fadhiyo meesha,” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Ugu dambeyntii ‘ Musharrax madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku baaqay in la dardar-geliyo qabsoomidda doorashooyinka dalka, si looga faa’iideysto waqtiga haray.

Xafiiska wararka muqdisho

Info@aragticusub.com