Cali Gudlaawe oo loo doortay Madaxweynaha Hirshabeele

Doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle iyo ku xigeenkiisa ayaa ka dhacday Magalaada Jowhar , iyadoo si weyn loo adkeeyay Ammaanka Xaafaddaha ay ka dhaceyso doorashada.

Waxaa ku guuleystay doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe.

Cali Guudlaawe ayaa ahaa Madaxweynaha Hirshabeelle Afartii sano ee lasoo dhaafay.

Waxaa uu sidoo kale horay u soo noqday Madaxweyne ku xigeen iyo Gudoomiyaha gobolka Shabeellaha Dhexe.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com