SAWIRRO:- Duqa Muqdisho oo la kulmay Ganacsatadii uu ka gubtay Suuqa wayn ee D. Wadajir .

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Md. Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) oo uu wehliyo Ku xigeenka Dhanka Howlaha Guud Faarax Cabdi Diini ayaa xarunta Degmada Wadajir kulan kula qaatay Ganacsatada Suuqa weyn ee Degmada Wadajir oo qasaaro xoogan kasoo gaaray dab xoogan habeenkii xalay qabsaday suuqaasi.

Guddoomiyaha ayaa ugu horeyn ugu tacsiyeeyay Ganacsatada dhibaatada kasoo gaartay gubashada suuqaasi, isagoo la damqanaya ayaa waxa uu balan qaaday in uu is-garab taagi doono waxna la qaban doonno Ganacsatada dhibta soo gaartay.

Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa waxa uu xusay in dhibtii xalay ku dhacday suuqa Wadajir ay noqon doonto mid wax laga bartay, isla markaana suuqa loo diyaarin doonno nidaam loogu hortagi doono in dib aysan usoo laaban dhibaatada, waxa uuna Ganacsatada ka codsaday in Maamulka Gobolka Banaadir lagala shaqeeyo sidii nidaamkaasi loo her-gelin lahaa isla markaana lasoo dhiso gudi Ganacsatada ah .

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com