Xeer illaaliyaha oo sheegay in la soo gaba gabeeyay Baaritaanka Hay’ad horay looga mamnuucay dalka

Xafiiska Xeer illaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa soo gaba gabeeyey baarista Gal-dacwadeedka Hay’adda SAHAN RESEARCH oo Dowladda Soomaaliya horay uga mamnuucday in ay dalka ka shaqayso.

Xeer illaaliyaha Guud ee Qaranka Sulaymaan Maxamed Maxamuud ayaa bartiisa Twitter-ka ku qoray in ay Dacwadda hay’addan dhawaan ay u gudbin-doonaan Maxkamadda Gobolka Banaadir si ay uga qaado tallaabada ku habboon ee sharciga ah.

SAHAN oo Dowladda Soomaaliya ay horay ugu eedaysay fal danbiyeedyo liddi ku ah Qaranimada Soomaaliya, faragalinta siyaasadda dowladda, curyaaminta haykalka Dowladdnimo, faafinta siraha amniga Qaranka iyo Qodobo kale waxaa iska leh Matt Bryden oo mar madax ka so noqday kooxda UN Monitoring Group ee Soomaaliya iyo Eritrea.

Xafiiska Xeer illaaliyaha ma uusan sheegin waqtiga rasmiga ah ee loo gudbinaayo maxkamadda Gobolka Banaadir, balse wuxuu shaaciyay Baaritaanka in la soo gaba gabeeyay oo maxkamadda Gobolka la geyn doono kiiska.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com