Maxkamadda Sare oo go’aan ka gaartay qaadista dacwadda Kursiga Fahad Yaasiin

Maxkamadda Sare ee dalka ayaa diiday qaadista Dacwadda kursiga Hop#086 ee Fahad Yaasiin, iyadoo sabab uga dhigtay in aanay Maxkamadda Sare awood u lahayn ka garnaqida cabashooyinka ka dhasha go’aannada maamul ee doorashada dadban ee  Barlamaanka 11-aad.

Qoraal kasoo baxay Maxkamadda Sare ayaa lgu diiday dacwadda uu guddiga doorashooyinka ka gudbiyay Fahad Yaasiin, waxaana Maxkamaddu ay aqbashay Hor is-taagga Xafiiska Garyaqaanka Guud ee dowladda oo metalaya Guddiga Hirgelinta doorashooyinka dadban ee ah in Maxkamadda sare aanay awood u laheyn ka garnaqida cabashooyinka la xiriira doorashada dadban ee Baarlamaanka 11aad, iyada oo Maxkamaddu xirtay gal dacwadeedka uu soo gudbiyay qareenka u doodayay Fahad Yaasiin.

Sidoo kale Maxkamaddu waxaa ay sheegtay in cawduhu uusan marin dhamaan dariiqyada heshiisyadii siyaasadeed ay jideeyeen ee xalinta khilaafaadka doorashooyinka ayna aheyd in go’aankaan uu uga cawdo uddiga xalinta khilaafaadka, isla markaana ugu dambeyn uu u caban karay Golaha wadatashiga Qaran.

Shalay ayaa Maxkamadda si horudhac ah u dhageysatay dacwad ka dhanka ah Guddiga doorashooyinka Heer Federaal ee hakiyay kursiga hop#086 oo degaan doorashadiisu tahay Beledweyne, isla markaana uu horey ugu guulaystay taliyihii hore ee hay’adda NISA  ahna la-taliyaha Amniga Qaranka ee Farmaajo ee Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Qareenka u doodayay Fahad Yaasiin oo lagu Magacaabo Sakariye Ismaaciil ayaa sheegay in aysan jirin awood ka sareeysa Maxkamadda Sare, isaga oo Maxkamadda u gudbiyay codsi ku aadan la diido Go’aanka guddiga doorashooyinka ay ku hakiyeen Kursiga Hop#86.

Hayeeshee Xafiiska Garyaqaanka guud ee dalka ayaa dhankiisa ku dooday in heshiiska doorashada ee 17 september ee uu meel mariyay Baarlamaankii hore ee Soomaaliya in uu yahay sharci awood siinaya guddiga doorashada isla markaana aysan jirin cid kaga sarreysa go’aannada la xiriira.

Guddiga doorashooyinka Heer Federaal ayaa 18-kii Bishii Febaraayo ee sanadkaan ku dhawaaqay in la hakiyay qabashada doorashada kursiga Hop#086, hayeeshee Guddiga doorashooyinka Hir-Shabeelle oo ka dhega adeegay Go’aankaas uu doorashada kursigaas qabtay 20-kii Bishaas Febaraayo, isla markaana uu kusoo baxay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com