Axmed Madoobe oo baaq u jeediyay Madaxda Dowladda (SAWIRRO)

Madaxwaynaha Jubbaland ayaa soo xiray shirka nabadaynta iyo dib u heshiisiinta Jubbaland, isaga oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay madasha shirka.

Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in uu xaliyo dhammaan cabashooyinka ay qabaan shacabka reer Jubbaland iyo xubnaha mucaaradkuba.

Madaxwaynaha ayaa sheegay in Jubbaland ay heshiis ku aasaasantay mar walbana ay ku socon doonto raali ahaanshaha iyo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.

Madaxwaynaha ayaa sidoo kale sheegay in munaasabadan iyo geba-gabada shirkuba bilow u noqon doonaan kulamo si qoto dheer loogaga wada xaajoon doono qodob walba oo la isku hayay.

Waxa kaloo uu Axmed Madoobe sheegay in cid walba oo wax tabanaysa, uu ugu baaqao inay ka soo qaybgasho kulamada dambe ee wada-xaajoodka.

Ugu dambeen Axmed Madoobe ayaa Madaxda Dowladda Federaalka ugu baaqay inay taageeraan shacabka ay hoggaanka u yihiin, ee qaatay buu yiri heshiiska nabadeed, ayna soo dhaweeyan hannaanka dowladeed ee Jubbaland.

Xafiiska Wararka,Muqdisho 

Info@aragticusub.com

.