Rag loo heysto dilka Taliyihii Ciidanka Gorgor oo la xukumay

Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta oo Arbaco ah waxaa ay xukun dil toogahso ah ku riday laba kamid ah rag loo heystay dilka Taliyihii Ciidanka Gorgor ee Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Ragga dilka loo heystay oo gaaraya Afar kana mid ahaa ilaalada Hotelka Maa’ida Ex-Naasa Hablood 2 ayaa waxaa xukun dil toogasho ah lagu riday laba kamid ah,kuwaas oo Maxkamadda Ciidamada sheegtay inay ku cadaatay dilka lagu soo eedeeyay.

Dilka taliyihii Ciidanka gorgor Maxaadeey Saleebaan Eebakar ayaa 18-kii Bishii Octoober ee sanadkii 2019 waxaa uu ka dhacay agagaarka Hotelka Maa’ida ee Ex-Naasa-hablood 2,waxaana loo xiray Afar rag ah oo laba kamid ah Maanta la xukumay.

Guddoomiyaha Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in raggaan maxkamadeyntooda ay soo martay heerar kala duwan,isla markaana ugu dambeyn Maanta go’aan laga gaaray.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in xukun dil toogasho lagu riday dable xoogga Xasan Shuute Cismaan iyo Dable Boolis Juule Gaabow Ibraahim oo ah qisaasta Maxaadeey Saleebaan halka labada kale lagu xukumay min 5 Sano oo Xabi Ciidan ah.

Xafiiska Wararka,Muqdisho 

Info@aragticusub.com