Maamulka Gobolka Banaadir oo ka shirey ka hortaga COVID19

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa qaab Online ah u shir gudoomiyay kulan degmooyinka gobolka Banaadir oo todobaadkii mar la qabto kaas oo looga hadlo horumarinta Caasimadda.

Duqa magaalada Muqdisho iyo mas’uuliyiinta kale ayaa kuwada xiriiray mid kamid ah aaladaha ay bulshada isticmaalan ee Skype-ga waxaana gabi ahaan si kumeel gaar ah loo hakiyay shirarkii isku imaatinka ahaa si looga hortago faafinta cudurka halista ah ee Covid-19.

Shirkan ayaa intiisa badan looga hadlay xoojinta ka hortago Coronavirus iyo in lasii laba-laabo wacyigalinta bulshada.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa warbixina la xiriira Coronavirus ka dhageystay Guddoomiye kuxigeennada Gobolka Banaadir iyo Mas’uuliyiinta degmooyinka Gobolka Banaadir.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com