Wariye Cabdicasiis Gurbiye oo maanta lagu wado in maxkamad la soo taaggo

Cabdicasiis Axmed Gurbiye ayaa ah Agaasimiye Kuxigeenka ahna Tafaftiraha Radio Goobjoog ee Magaalada Muqdisho, waxaana lagu xiray Saldhiga Booliska ee Degmada Hodan, ka dib markii looga yeeray.

Agaasimaha Radio Goobjoog, Xasan Maxamed Maxamuud ayaa sheegay in ay soo eedeysay Xeer Ilaalinta Qaranka, laguna xiray warqad ogolaansho ah oo ka soo baxday Maxkamadda Gobolka Banaadir.

Agaasimaha oo la hadlay Laanta afka Somaliga ee VOA ayaa xusay in lagu soo eedeeyay Cabdicasiis Gurbiye, Qodobka 220 ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.

Waxa uu intaa ku daray in ay codsadeen in Wariyaha isla shalayba la horgeeyo Maxkamadda Gobolka, balse loo sheegay inaanay xilligaa shaqayneynin, taasi bedelkeeda Arbacada la horgayn doono.

Dhanka kale waxaa jira warar aan la xaqiijin oo sheegaya in maxkamadaynta Wariye Gurbiye, ay dib u dhici karto.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com