Banaan Bax lagu Taageerayo Matalaada gobolka Banaadir uu ku yeelanayo Aqalka sare oo ka socda Muqdisho

Dibad baxa ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Maamulka gobolka Banaadir Waxaana ka qayb galaya Dadweyne ka socda 17ka Degmo ee gobolka Banaadir, banana baxaan ayaa lagu Taageerayaa go,aankii shalay xildhibaanada Baarlamaanka ay ku Ansixiyeen 13ka Kursi uu gobolka banaadir ku yeelanayo Aqalka sare.

Dadka dibad Baxa dhigaya ayaa u badan Caruur iyo Haween oo laga kala keenay Xaafadaha magaalada Muqdisho si ay banaan baxa uga qayb galaan hayeeshe waxaa jira siyaasiyiin diidan 13ka Kursi ee Golaha shacabka ay Ansixyeen taas oo ah Mataalada siyaasadeed uu gobolka banaadir ku yeelanayo Aqalka sare