Puntland oo qaadacday shirkii uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo

Maamulka Puntland ayaa sheegtay in aysan ka qayb-geli doonin Shirka uu Madaxweyne Farmaajo ku casuumay Madaxda Dowlad Goboleedyada Dalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir

Wasiirka Warfaafinta Puntland Cabdullaahi Cali Xirsi Tima-Cadde ayaa sheegay in Puntland ay taageersantahay Baaqii ka soo baxay Aqalka Sare ee ku saabsanaa in Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Dalka ay shir isu’gu yimaadaan si looga arrinsado Hannaanka Doorashada 2020/2021 balse aysan diyaar u ahayn shirkii uu Madaxweyne Farmaajo ku martiqaaday Madaxda Maamul goboleedyada iyo gobolka banaadir ee loogu magac daray shirka golaha Amniga qaranka

Wasiirka ayaa Tibaaxay go’aankii Puntland ku qaaddacday shirkii Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ee ka qabsoomay waddanka Jabuuti isagoo xusay in Puntland aysan marnaba aqbali dooni Natiija kasta oo ka soo baxda Shirkaas.