Dhageyso : Dawlada DFS iyo Soomaaliland oo heshiis kala saxiixday

Guddiga farsamo  wadahadalada ugu qaabilsan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ee shirka uga socday Jabuuti ayaa soo gababageeyay wada hadalkooda

Shirka waxaa ka soo baxay qodobo ay  labada dhinac ay ku heshiiyeen iyadoo shirkaasi uu qarka u saarna in uu fashilmo balse goor dambe oo xalay xal laga gaaray wax yaabaha laysku hestay waxana ay ku heshiiyeen oo ay kala saxiixdeen 5 qodob

Qodobada laysku fahmiwaayay ee dib loo dhigay waxaa ka mid ah isu socodka siyaasiyiin ee labada dhinac iyo maamulka hawada.

Wasiirka Arrimaha Dibada Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf oo dalkiisu martigaliyay shirka ayaa ka war bixiyay Qodobada 5ta ee ay ku heshiiyeen Soomaaliland iyo Dawlada Federaalka Soomaaliya