Heshiis laga gaaray Colaada Degaanka Horufadhi ee gobolka Ceyn

Degaanka Horufadhi oo ka tirsan Gobolka Ceyn ee Puntland ayaa waxaa Heshiis Nabadeed ku gaaray laba beelood oo horay ugu dagaallamay Degaanka.

Odayaal  iyo Waxgarad ah oo uu hoggaaminayo  Garaadka Guud ee gobolada Sool Sanaag iyo Ceyn  Garaad Jaamac Garaad Cali oo maalmihii u dambeeyay ku hawllanaa Nabadaynta labada beelood ayaa ugu dambayntii ku guulaystay Hawshaasi.

Qodobada Heshiiska labada Beelood ay gaareen waxaa kamid ah in Xabad-joojin la hirgeliyo islamarkaana gudaha Degaanka Horufadhi ay ka caaggan yihiin Ciidamo urursan oo ka tirsan labada beelood si aysan mar kale u soo noqon colaaddii laga heshiiyay.

Sidoo kale waxaa la isla gartay oo lagu heshiiyay  in Guddi Nabadgelyo oo la socda dhaqdhaqaaqa labada beelood laga sameeyo Degaanka Horufadhi kuwaas oo Ganaax ku rida cid kasta oo jebisa Heshiiskaas.

Dhan kale waxaa lagu ballamay in Degaanka Saaxdheer ee Gobolka Sool lagu qabto Shir kale oo lagu dhammaystirayo Heshiiska ay wada gaareen labada beelood.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com