Dhageyso : Qoys uu ku soo dumay dhismo ka kooban 3 dabaq Degmada Xamar Weyne iyo Gudoomiye Cumar Finish oo booqday

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Finish ayaa ka hadlay gurmad loo sameeyay qoys ku sugnaa dhismo ka kooban 3 dabaq oo xalay ku soo dumay degmada Xamar weyne

Gudoomiye Cumar Finish ayaa sheegay in loo gurmaday qoyskaasi islamarkaana ay soo badbaadiyen dad gaaraya 17 qof oo 5 ka mid ah dhaawacooda uu fudud yahay loona qaaday Dadkaasi Isbitaalada ku yaala Magaalada Muqdisho Halkaas oo lagu daaweynaayo Dhaawacyadooda

Arintaan ayaa imaanaysa iyadoo Roob ka da,ay magaalada muqdisho uu sababay in biyo ay fariistaan wadooyinka Magaalada muqdisho islamarkaana guryaha qadiimaga ahna saameyn uu ku yeeshay Roobka