Muwaadhin Soomaali ah oo lagu dilay Britain

Muwaadin Soomaali haysta dhalashada Netherlands oo lagu dilay dalka Britain

Booliska magaalladda Leicester ee dalkaasi ayaa shaaciyey magaca Muwaadin Soomaali oo Tooreey lagu dilay maalintii Sabtida ee la soo dhaafay.

Marxuumka oo lagu magacaabi jirey Xasan Jaamac ayaa la sheegay in Tooreey lagu dilay Waaberigii hore ee maalintii Sabtida ee la soo dhaafay, xilli uu marayey wadada lagu magacaabo Barthomlomew ee magaalladda Leicester.

Hadal ka soo baxay Boliska Leicesshire ayaa lagu sheegay inay Boliska gacanta ku soo dhigeen Nin 18-jir ah oo lagu tuhunsan yahay inuu ka dambeeyey dilka Marxuumka.
Eedeysanaha waxa uu ku jiraa Xabsiga, iyadoo ay Baarayaasha Booliska wax weydiinayaan.

Baaritaan lagu sameeyey Maydka Marxuumka ayaa waxaa la sheegay inuu u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray Tooreey hal mar lagu dhuftay, inkastoo aan la sheegin halka laga dhaawacay.

Marxumka la dilay waxaa la sheegay inuu haystay dhalashada dalka The Netherland, mana kala cadda sababaha ka dambeeyey dilkiisa.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com