puntland oo Heegan gelisay ciidamadeeda

Maamulka Puntland ayaa sheegay, in heegan buuxa la geliyay dhammaan ciidamada kala duwan ee maamulka Puntland, si ay uga hawlgalaan qorshaha sugidda Amniga iyo dadaallada looga hortagayo cudurka Coronavirus.

War-saxafadeed ka soo baxay Shirka, ayaa sidoo kale lagu amray dhammaan hay’adaha kala duwan ee  Puntland, in ay shaqadooda isugu geeyaan Sugidda Amniga iyo ka hortagga cudurka Coronavirus.

Go’aankaas, ayaa ku soo beegmay  ka dib markii qarax ismiidaamin ah lala beegsaday, guddoomiyihii gobolka Nugaal Cabdisalaan Xassan Xirsi Gu’jir iyo taliyihii hore ee Booliiska Nugaal G/sare Faraax Galan-goolli.

Labada mas’uul oo dhaawacyo ka soo gaareen qaraxa, ayaa la dhigay isbitaalka guud ee caasimadda Garoowe, halkaas oo markii dambe uu ku geeriyooday marxuum Gu’jir.

Qaraxa waxaa mas’uuliyaddiis sheegtay malayshiyaadka Al-shabaab ee ka dagaallama koonfurta Soomaaliya, sida lagu faafiyay warbaahinta  shabaab

Xafiiska Wararka,muqdisho.

Info@aragticusub.com