Madaxweyne Farmaajo oo IGAD ka dalbaday in soomaaliya la caawiyo

Madaxweynaha dowladda  Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kala qeyb galay Madaxda dalalka IGAD shir deg-deg ah oo ay kaga arrinsanyeen khatarta cudurka Koroona ayaa ka warbixiyey dadaallada dowladda Soomaaliya eek u wajahan ka hortaga COVID-19.

Shirkan oo ahaa mid Madaxdu ay ku xiriireen mareego gaar ah oo internetka ah (Video-conference) ayaa Madaxweyne farmaajo waxa uu la wadaagay hoggaamiyeyaasha kale ee dalalka IGAD xaaladda badqabka caafimaad ee dalka, halista muuqata ee ka dhalan karta cudurka Koroonaha iyo baahiyaha qalabka caafimaad ee muhiimka u ah daryeelka bukaannada cudurkaas.

Hoggaamiyeyaasha IGAD ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in dalalka Gobolka lagu garab istaago dadaalka ay ugu jiraan ka hortagga iyo xakameynta cudurka Koroonaha, sidoo kale waxa ay isla qaateen in lagu dhiirri geliyo xirfadleyaasha caafimaad ee ka soo jeeda dalalka IGAD ee ku sugan qurbaha in ay ka qeyb qaataan samata-bixinta dadkooda.

Sidoo kale, waxa ay isla garteen in la sameeyo qorshaha isku-dubaridka iyo xoojinta iskaashiga dhammaan wadamada IGAD ay kaga hortagayaan cudurka Koroona, iyada oo la is-dhaafsanayo khibradaha, qorsheyaasha wacyi-gelineed iyo guud ahaan xogta ku saabsan cudurkan.

Madaxda iyo Hoggaamiyeyaasha ka qeyb galay shirkan ayaa diiradda saaray hannaanka loo aasaasi lahaa sanduuq dhaqaale oo heer IGAD ah, kaas oo wax lagaga qabto xaaladaha deg-degga ah ee la soo gudboonaada dalalalka Gobolka.

Shirkan deg-degga ah ee IGAD waxaa ka qeyb galay Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweyna dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, Raiisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, Madaxweynaha Kenya Uhuro Kenyatta, Madaxweyne Ku xigeenka Koowaad ee Koonfurta Suudaan Riek Machar, Raiisul Wasaaraha Dalka Suudaan Cabdalla Xamdook, Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Musaveni iyo Xoghayaha Urur Goboleedka IGAD Workneh Gebyehu.

Xafiiska Wararka,muqdisho.

Info@aragticusub.com