Somaliland oo joojisay Duulimaadyadii uga imaanayay yurub iyo maraykanka

Madaxweyne-xigeenka Somaliland, C/raxmanaa C/llaahi Ismaaciil “Saylici” ahna Guddoomiyaha Guddiga Ka-hortaga COVID 19 waxa uu soo saaray Qoraal uu Shirkadaha Diyaaradaha Caalamiga uga digay inaysan Somaliland keeni karin dadka Rakaabka ee asal ahaan ka soo dhoofayo dalalka Europe iyo Maraykanka.

Qoraalkaasi waxa lagu muujiyey inay  suurtogal tahay inay dadkaasi keeni karaan Somaliland COVID 19, isla markaana si looga feejignaado Khatartaasi in la mamnuucay in laga bilaabo maalinta berrito oo Isniin ah in la mamnuucay dhamaan Diyaaradaha rakaabka ka soo qaada dalalka Europe iyo Waqooyiga Maraykanka

 

Xafiiska Wararka,muqdisho.

Info@aragticusub.com