Sheekh Caan ah oo Si Kulul Uga Hadlay Xilalka ay Haayaan Wasiirada Dawlada Federaalka Soomaaliya

Sheikh Maxamed Idiris oo ka mid ah Culimada Soomaaliya ayaa   Nasiib darro ku tilmaamay in Qaar kamid ah Wasiiradda Dawlada Federaalka  Soomaaliya aysan Ehel u ahayn Xilka loo dhiibay ama  Masuuliyadda ay hayaan,  Wuxuna tilmaamay inay kamid tahay  Waxyaabaha lagu garto in Saacadii Qiyaame soo dhowaatay.

“Nin ayaa suubanaha Nebiga NNKH weydiiyey: ((goorma ayaa qiyaamuhu dhacayaa?)) Wuxuuna ugu jawaabey calayhi salatu wasalaam: ((Haddaad aragto in xilalka loo dhiibo dad aan ehel u ahayn, saacaddii qiyaamaha sug)).   Allahumma salli wasallim calayka yaa rasuulallah.

Haddaad dhegeysato wasiirrada dawladda federaalka soomaaliya qaarkood, oo ku magacaaban wasaaradaha ugu xassaasisan ummaddan arrimeheeda, waxaad is oraneysaa: subxaanallah. waa sidii suubbanuhu sheegaye, saacadda qiyaamaha iska sug!

Nin soomaaliya oo arrin la yaabay baa laga sheegay: Maxaa la sheegaa shib lee waayee!” Ayuu yiri Sheikh Maxamed Idiris.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com