Danjire Daahir Maxamuud Geele oo Cambaareeyay Qaraxii shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho

Wasiirkii Hore Warfaafinta Danjire Daahir Maxamuud Geele ayaa ka hadlay Qaraxii shalay ka dhacay Maqaayada Blue Sky ee Ku Taala Magaalada Muqdisho Qaraxaasi ayaa waxaa geystay sida la sheegay Qof Isku soo xiray Walxaha Qarxa Waxana Halkaasi ku dhintay 3 Ruux 7 Kalaena waa ay ku dhaawacmeen

Danjire Daahir Maxamuud Geele ayaa qoraal uu soo dhigay Bartiisa Face Buugga Waxaa uu kaga hadlay Qaraxii shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho:

Waxaan cambaareynayaa falka argagixisadu maanta ka geysteen Muqdisho ee dhaliyey dhimasho iyo dhaawac dada aan waxba galabsan.
Intii dhimatay allah ayaan jannaadiisa uga baryeynaa inuu ka waraabiyo inta dhaawaca allaha u booga dhayo.

Argagixisadu inay wax dhibaateeyaan mooyee dheef uma hayaan ummadda, waana inaan u midownaa sidaan isaga ciribtiri lahayn.

Waxaan soo jeedinayaa in hayadaha amniga ka fogaadaan siyaasadda una madax banaanaadaan shaqadooda ayuu yiri Danjire Daahir Maxamuud Geele.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com