Waa kuma Maxamed Bin Salmaan?

Maxamed Bin Salmaan wuxuu magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga ku dhashay 31-kii bishii Agoosto ee sannadkii 1985-kii.

 

Wuxuu ahaa wiilka curadka ah ee uu dhalay boqor Salmaan Bin Cabdul Casiis Aala Sucuud oo xilliga uu Maxamed dhalanayay ahaa mid ka mid ah dhaxal sugeyaasha boqortooyada.

 

Hooyadiis waa xaaska saddexaad ee boqor Salmaan, waxaana lagu magacaabaa Fahdah bint Falah bin Sultan.

 

Ka dib markii uu shahaadada 1aad ee waxbarashada jaamacadeed ka qaatay Jaamacadda King Saud ee ku taalla magaalo madaxda Sucuudiga ee Riyaad, wuxuu ka soo shaqeeyay hay’ado kala duwan oo ay leedahay boqortooyada.

 

Sannadkii 2009-kii, waxaa loo magacaabay inuu la taliye khaas ah u noqdo aabihiis, oo xilligaas ahaa Duqa magaalada Riyaad.

 

Maxamed Bin Salman ayaa awoodda boqortooyada lugta la soo galay sannadkii 2013-kii, markaasoo loo magacaabay madaxa qasriga dhaxal sugaha boqortooyada, isagoo darajadiisu ay ahayd heer wasiir.

 

Sannadkii ka horreeyay ee 2012-kii, ayaa aabihiis loo xushay inuu noqdo dhaxal sugaha taajka boqortooyada, ka dib geeridii Nayef bin Cabdul Casiis, oo ahaa qofka dhaxalka xilkaas ugu sokeeyay.

 

Bishii Janaayo ee sannadkii 2015-kii ayuu geeriyooday boqor Cabdalla bin Cabdul Casiis, Salmaan ayaana xilka boqortooyada la wareegay isagoo markaas ay da’diisu ahayd 79 sano.

 

Boqorka cusub ayaa si deg deg ah u sameeyay labo go’aan oo ay la yaabeen dadka kormeera xaaladda maamulka boqortooyada, ka dib markii uu wiilkiisa ka dhigay dhaxal sugaha ugu sokeeya ee taajka ahna wasiirka gaashaandhigga, halka wiilka uu adeerka u yahay ee Maxamed Bin Nayef uu ka dhigay ku xigeenka dhaxal sugaha boqortooyada.

 

Maxamed Bin Nayef ayaa markaas ahaa qofka xiga ee mudnaanta ku leh taajka.

Warqadda lagu qeexay go’aannadaas ayaa noqotay tii ugu horreysay ee xilka dhaxal sugaha boqortooyada loogu kala wareejiyo wiilashada uu awoowga u yahay Ibnu Sacuud, oo ah ninkii aasaasay boqortooyada.

Mid ka mid ah tallaabooyinkii ugu horreeyay ee uu Maxamed Bin Salmaan qaaday markii uu noqday wasiirka Difaaca waxay ahayd inuu bishii Maarso ee sannadkii 2015-kii dagaal ku qaaday waddanka Yemen, isagoo taageero ka helayay dalal kale oo carabeed.

Dagaalkaas ayaa yimid ka dib markii kooxda fallaagada ah ee Xuutiyiinta, oo ay Sucuudigu aaminsan yihiin inay Iiraan ka dambeyso, ay xoog kula wareegeen magaalo madaxda Yemen ee Sanca, isla markaana ku khasbeen madaxweyne Cabdulrabbu Mansuur Haadi inuu dalka dibaddiisa u baxsado.

 

Weerarka Sucuudiga uu ku qaaday Yemen ayaa horumar aad u yar sameeyay muddo saddex sano iyo bar ah oo la soo dhaafay.

 

Wuxuu xitaa sababay in Sucuudiga iyo xulafadiisa lagu eedeeyo iney geysteen dambiyo dagaal oo ka dhan ah bani’aadannimada, ayna malaayiin ruux oo rayid ah ku kallifeen iney noloshooda ciriiri gasho.

 

Bishii Abriil ee sannadkii 2015-kii, boqor Salmaan ayaa isbaddallo kale ku sameeyay kala horreynta xilka boqortooyada, isagoo Maxamed Bin Nayef u magacaabay dhaxal sugaha taajka, halka uu wiilkiisana u magacaabay xilalka kala ah ku xigeenka dhaxal sugaha taajka, raysul wasaare ku xigeenka labaad iyo madaxa golaha dhaqaalaha iyo horumarka.

 

Hal sano ka dib, Maxamed Bin Salmaan ayaa shaaca ka qaaday inuu damacsan yahay qorshe uu isbadallo dhaqaale ugu sameyn doono Sucuudiga, si uusan mar walba ugu tiirsanaanin dhoofinta Saliidda.

 

Qorshahaas oo lagu magacaabay hiigsiga 2030-ka ayaa dhigayay in la kordhiyo dakhliga ka soo xarooda ganacsiyada aan saliidda ahayn, oo 2020-ka la gaarsiiyo lacag dhan 600 oo bilyan oo riyaal oo u dhiganta $160 bilyan oo doolar ama 123 bilyan oo gini, waliba marki la gaaro 2030-ka la gaarsiiyo lacag dhan 1 tirilyan oo riyaal.

Lacagtaas ayaa 165.5 bilyan oo riyaal ka badan dakhligii soo xarooday sannadkii 2015-kii.

 

Amiirka ayaa sheegay inuu doonayay sidii uu u abuuri lahaa hantida ugu badan caalamka oo gaareysa $ 3 tirilyan oo doolar, iyadoo lacagtaas qaarkeedna ay ka imaaneyso shirkadda Saliidda ee dowladda, oo lagu magacaabo Saudi Aramco, marka laga dhigo mid si gaar ah loo leeyahay.

 

Qorshahaas ayaa sidoo kale dhigayay in wax laga baddalo hannaanka waxbarashada, isla markaana la kordhiyo doorka ay haweenka ku leeyihiin shaqooyinka, sidoo kalena la maalgaliyo ganacsiga iyo madadaalada, si shaqooyin loogu abuuro dhallinyarada.

Bishii Abriil ee sannadkii 2017-kii ayey boqortooyada ku dhawaaqday qorshe ku aaddan in la sameynayo magaalo ay baaxaddeeda le’eg tahay 334 sq km (129 sq mile) oo loogu tala galay madadaalada.

 

Magaaladaas ayaa la sheegay in laga dhisi doono cirifka magaalada Riyaad, ayna yeelan doonto howlo isugu jira dhaqanka iyo ciyaaraha – oo ay u sii dheer tahay xarun loo dalxiis tago oo lagu xannaaneeyo xayawaanka.

Amiirka ayaa sidoo kale horseed ka ahaa cunaqabateyntii ay dalalka khaliijka saareen waddanka Qadar, oo uu Sucuudiga ku eedeeyay inuu gacan siiyo kooxaha argagixisada, isla markaana faragalin ku sameeyo arrimaha dalalka kale.

 

Tallaabadaas waxaa Sucuudiga ku wehlinayay dalalka Imaaraadka Carabta, Baxreyn iyo Masar, waxaana markii ugu horreysay la billaabay bishii Juun ee sannadkii 2017-kii.

Boqortooyada Qadar ayaa iska fogeysay eedeymaha loo jeediyay waxayna ku gacan seyrtay liis ay ku qornaayeen dalabaad lagu xiray dib u soo noqoshada xiriirkii diblomaasiyadeed iyo kii ganacsi ee ay la wadaageysay dalalka kale ee khaliijka, arrintaas ayaana horseedday is mariwaa aan wali xalkiisa la gaarin.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com