Alshabaab oo sii deeysay Dhaqaatiir u dhalatay Wadanka Cuba

Laba Dhakhaatiir oo u dhalatay Wadanka  Cuba ayaa la sheegay in Alshabaab ay sii daysay, Kuwaasi muddo ay ku haysteen gudaha Soomaaliya,

Wasiirka arrimaha dibedda Cuba Bruno Rodriquez, oo qoraal soo dhigay baraha bulshada ayaa xaqiijiyey in lasoo daayey dhaqaatiirta, wuxuuna dowladda Soomaaliya uga mahad-celiyey inay caawimaad ka gaysatay.

Waxa uu sheegay inuu la hadlay wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad.

Sarkaal ka tirsan sirdoonka Soomaaliya ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AP in dhaqaatiirta lasii daayey dhammaadkii toddobaadkii tegay, kadib wada-xaajoodyo muddo socday, Balse  Sarkaalka oo codsaday inaan magaciisa la shaacin ma bixin faah-faahin intaas dheer.

Ilo wareedyo u sheegay Wakaalada Warar AP in sirdoonka Soomaaliya ay galeen wada-xaajoodka lagu sii daynayo dhaqaatiirta kadib markii la tusay muuqaal caddeynaya in dhaqaatiirta ay nool yihiin.

Weli lama Oga halka ay ku sugan yihiin dhaqaatiirta ay sii deeyeen Alshabaab.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com