Faah Faahino ka soo baxaya Baabuur Tikniko ah oo miino ay kula qaraxday duleedka Degmada Balcad ee gobolka shabeelaha Dhexe

Wararka ka imanaya Degmada Balcad ee gobolka shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in Gaari Tikniko ah oo ay wateen Ciidamo ilaalo u ah Gudoomiyaha Degmada Balcad ee gobolka shabeelaha qarax lagula beegsaday Degaanka Basra

Qaraxa oo ahaa miino lagu la geliyay ayaa la kacday Gaari Tikniko ah oo ciidankaasi ay wateen

Inta la ogyahay 6 Askari ayaa geeriyootay 4 kalena waa ay ku dhaawacmeen Qaraxaasi

Ciidamada Qaraxa lala eegtay ayaa la sheegay in Hawlgalo ay ka wadeen Nawaaxyiga Degaanka Basra ooka Tirsan Degmada Balcad ee gobolka shabeelaha Dhexe.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com