Wafdi Uu hogaaminaayo Ra’iisal Wasaare Kheyre oo garoowe lagu soo dhaweeyay

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre,iyon xubno ay ka mid yihiin  madaxweynahayaasha Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle, ma’suuliyiin ka tirsan a dowladda Federaalka ayaa gaaray Magaalada Garoowe

Wafdigan oo uu hogaaminayay Raiisal Wasaare Kheyre ayaa waxaa garoonka diyaaraha Gen. Maxamed Abshir Garowe ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabddulaahi Deni, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor, Guddoomiyaha Golaha Wikiillada Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil iyo Ku-xigeenadiisa, masuuliyiin ka tirsan Puntland, Jubbaland, Galmudug, isimo, saraakiil ciidan iyo mas’uuliyiin kale.

Wafdiga ayaa ka qayb geli doona Aaska Qaran ee maanta loo samaynayo Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Marxuum Xasan Abshir Faarax.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com