Wararkii Ugu dambeeyay iyo Dawlada Federaalka oo xirtay garoonka diyaaradaha Baladweyne

Wararka imaanaya magaalada Baladweyne ayaa sheegaya in gabi ahaanba la xiray garoonka diyaradaha magaalada Baladweyne ka dib markii garoonkaasi ay ku soo dhacday diyaarad sahay u siday ciidanka Amisom kana Timid dalka Jabuuti

Wafdi uu Hogaaminaayo Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Salaad Oomaar ayaa booqday garoonka iyaga oo u kuur galayay Xalada garoonka diyaaradaha Baladweyne iyo sida uu ku dhacay

Axmed macalin Xasan Agaasimaha duulista Rayidka oo qayb ka ah wafdiga uu Hogaaminayo Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista hawada ayaa sheegay in si kumeel gaar ah loo xiray garoonka diyaaradaha Magaalada Baladweyne

Duuliyihii waday diyaarada ku bur burtay Baladweyne ayaa sheegay bur burka diyaarada uu sababay ka dib dameer ku dhex socday jidka diyaarada ay ku dagali lahayd taasi oo keentay in diyaarada wadada ay ka baxdo sidaasna ay ku bur burtay.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com