100 xildhibaan oo Madaxweyne Farmaajo ka dalbatay in uu cadeeyo mowqifkiisa ku saabsan doorashooyinka dalka

Xildhibaano tirsan Golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa xalay kulan  la yeeshay Madaxweynaha Dowladda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Kulankaan oo ka dhacay xaruunta Madaxtooyada villa Soomaaliya ayaa xildhibaanadu ay ka dalbadeen madaxweyne Farmajo  in uu caddeeyo marxalada xaaladda kala guurka ah ee dalka iyo sida loo maareynayo,iyo sidoo kale Arrimaha Doorashooyinka  dalka .

Xildhibaanada ka qeybgalay kulankaas, lana hadlay warbaahinta, waxa ay sheegeen in uu ahaa mid ay uga tashanayeen sidii dalka ay uga dhici laheyd doorasho xor iyo xalaal ah, islamarkaana  qof iyo cod ah, maadaama ay Golaha shacabku ansixiyeen sharciga doorashooyinka madaxweynaha Soomaaliyana uu saxiixo.

Kulanka Xildhibaanadaas ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ay la qaateen Madaxweyne Farmaajo ayaa imaanaya xilli madaxweynayaasha maamul  Goboleedyada Dalku Shir ay ku yeesheen Magaalada Dhuusamareeb ay ku sheegeen in aysan Dalka ka dhici Karin Doorasho qof iyo cod ah.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com