Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya oo soo saaray digniin la xiriirta Imtixaanka ay galayaan Ardayda Soomaaliyeed

aliska ciidanka booliiska Soomaaliyeed ayaa soo saaray digniin ka dhan ah Propagaanda-da Imtixaanaadka Sanad Dugsiyeedka 2019/2020, kaas dalka ka bilaabandoona 18-July-2020.

Sida ay sheegtay Wasaarada Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sarre, waxaa sanadkaan Imtixaanaadka Sanad dugsiyeedka 2019/2020 ufadhiisandoona in ka badan 70,000 oo arday Soomaaliyeed ah si xariir ah sanadkii 6-aad, iyadoo sanadkaan lagu Soo kordhiyay fasalka 8-aad (Standard8) 11/July/2020 & Dugsi sare 18-July-2020.

Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, waxaan udiyaarinay 2000 oo xubnood oo isugu jira Saraakiil iyo Askar sugta Amniga goobaha imtixaanada, Ilaalinta geedi socodka imtixaanada iyo daabulaada imtixaanka.

Hadaba, iyadoo aad looga taxadaray #Badqabka imtixaanaadka sanadkaan, ayaa waxaa jiri kara #Propaganda iyo Qalqal lagu abuuro Waalidiinta iyo Ardayda Soomaaliyeed. Sidaas daraadeed, waxaan #Digniin adag gaarsiinaynaa qof walba oo isku daya in uu abuuro qalqal Imtixaan, iyadoo Hadaba aan qaarkood gacanta ku hayno.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com