Abdirahman AbdiShakur oo si adag u weeraray Ra,isul wasaare Rooble(Aqriso).

Muqdisho:-Musharax Madaxweyne Abdirahman Abdishakur ayaa si adag u weeraray Ra,isul wasaare Maxamed Hussein Rooble.

Waxaa uu ku eedeeyay in uu ka gaabiyay mas,uuliyadii doorashada ee loo igmaday isla markaana taa badalkeeda noqday shaqsi u adeega Madaxweyne Farmaajo sida uu hadalka u dhigay.

Abdirahman Abdishakur ayaa sheegay in tan iyo markii Ra,isul wasaare Rooble ka soo laabtay safarkii shakiga badan dhaliyay ee ku tagay dalka Qadar dhaceen dhacdooyin waa weyn oo ay ka mid yihiin boobka lagu hayo kuraasta baarlamaanka iyo in la iska indha tiray wax ka qabashada kiiskii dilka marxuumad Ikraan Tahliil.

Halkaan Hoose ka aqriso Qoraalka Abdirahmaan Abdishakuur ku qoray bogiisa facbook:-

Raysalwasaare Rooble waxaa lagu aaminnay, isaguna ballan qaaday in uu qabanayo doorashado xalaal ah, wuxuu shacabka u ballanqaaday in uu kiiska Ikraan Tahliil caddaalad u raadinayo. Wuxuu guddi u saaray dhallinyaradii Eritrea loo qaaday, waalidkoodna aysan war iyo wacaal ka helin. Doorashadii waa taas iyadoo odayaashii iyo ergadiiba la aqoon musharraxiintii isdiiwaan gelinayaan. Raggii eedda Ikraan loo haystay waa taa la beri yeelay, wiilashii Soomaaliyeed ee Eretrea ku maqanna warkooda iska daa.

Waxaan oo idil waxey dhaceen, kaddib safarkii shakiga dhaliyey ee uu Raysalwasaaruhu dalka Qatar ku tegey. Waxaan kaloo ogeyn in RW Rooble uu qayb ka yahay qorshaha AMISOM dalka looga saarayo. In uu ogyahay terminal khaaska ee Garoonka Aadan Cade ku yaalla ee ay diyaaradaha gaar ah ee Qatar iyo Eretrea ka yimaada ka soo degaan. Ujeedka ugu danbeeyana uu yahay in Al-Shabaab dalka loo gacan geliyo. Mar kale ayaa masiirka dalka iyo majaraha dowlad dhiska la habaabin rabaa.

Waxaan shaki ku jirin in folkaanaha cabbursan ee dulmiga, caddaalad darrida, ku tumashada xuquuqda muwaadinta, ku takri falka awoodda iyo hantida ummadda uu qarxi doono, laakiin ma garan karo nooca baaruudda qarxisada ah(trigger) . Waxaa loo baahan yahay dhiirranaan iyo ku dhac looga hortago qaraxa folkaanaha soo socda oo inna wada galaafan doona, sidii Afgaanistaan ama Itoobiya ka dhacday.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com