Agaasimihii Radio Muqdisho oo caawa lagu dilay magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa miino lagu xiray gaari, ayaa waxaa ku geeriyooday Agaasimahii Radio Muqdisho Cabdi Casiis Maxamuud Gulleed Afrika, waxaana ku dhaawacmay Agaasimaha SNTV Sharmaake Maxamed Warsame.

Qaraxa ayaa lagu xiray Gaariga uu lahaa Cabdi Casiis Afrika, oo ahaa weriya si aad ah ula dagaalami jiray afkaarta kooxaha xagjirka ah, gaar ahaan Al-Shabaab.

Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa waxaa isku gadaamay Ciidamada dowlada, kuwaasoo iminka ka wada howlgalo kala duwan.

Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada qaraxan, waxaase boqolkiiba boqol la aaminsan yahay in ay danbeyso kooxda argagixisada ah ee Al- Shabaab.

Cabdi Casiis Maxamuud Gulleed Afrika wuxuu ahaa wariye mudo usoo shaqeynayay Warbaahinta dowladda, waxaana looga bartey wararka lidiga ku ah Al-Shabaab.

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragtiCusub.com