Ciidanka Danab oo Dad shacab ah ku dilay gobolka shabeelaha Hoose

Wararka ka imaanaya Degaanka Tooratoorow ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in Ciidanka Kumaandooska ee DANABin ay Shacab ah halkaasi ku laayeen dad kadib markii ay ku qaldeen Al-shabaab.

Hawlgal qorshaysan oo habeen hore Ciidanka DANAB ay ka fuliyeen Tuulada Mooyilow oo ka tirsan Degaanka Tooratoorow ayaa lagu soo warramayaa in ay ku dileen 8 ruux oo shacab ah kuwaas oo hurdayy a masjid ku yaal Tuuladaas.

Dad Goob-joogayaal ah ayaa laga soo xigtay in Dadkaasi  masaajidka lagu dilay waxaana ay ahaayeen Dad  Safar ah oo Tuulada ka waayay meel ay seexdan sidaasna masaajidka ku seexday balse Ciidanku ay ku qaldeen Saraakiil Al-shabaab ah.

Taliska DANAB ayaan  weli ka hadlin dhacdadaasi in ay Dad rayid ah ku dileen hawlgalkaasi qorshaysan ee habeen ka hor ka dhacay Shabeellada Hoose

 

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com