Ahmed Madoobe”Madaxweyne Farmaajo ayaa diiday in la wada hadlo “.

Boosaaso, Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Ahmed Madoobe ayaa shaaca ka qaaday in maamulkiisa isku dayay wada walba oo ay kula hadli karaan Madaxda dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Ahmed Madoobe ayaa tilmaamay in dadaal walba dhankooda bixiyaan caqabad kaga imaaneysay Madaxweyne Farmaajo.

“Madaxweyne Farmaajo ayaa diiday wadda walba oo wada hadal ugu furmi karo maaamulkeyga iyo dowladda dhexe “ayuu yiri Ahmed Madoobe.

waxaa uu intaa ku daray in dad badan aaminsan yihiin in maamulkiisa iyo maamulada la midka ah lugaha heystaan dowladda dhexe balse arinku sidaa aheyn.

”mar waxaa ii yimid Gudoomiyaha aqalka sare Abdi haashi qoorta ayaa u dhiibtay balse wuxuu iigu jawaabay in uusan heyn cida uu la hadalsiin lahaa”ayuu mar kale yiri Ahmed Madoobe.

Dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland ayaa xiriirkoodu cumaaday tan iyo markii Ahmed Madoobe dib loo doortay.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com