Madaxweyne Qoor Qoor oo Eedeeyay Madaxda Maamulada Puntland iyo Jubland

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa isagoo ka hadlaya Shirka  Baydhabo, ku eedeeyey Madaxda Puntland & Jubbaland in ay diideen shirkii Dhuusa-Mareeb3, iyagoo sabab ka dhigay in la magacaabo Ra,iisal wasaare.

Sidoo kale  waxa uu sheegay in ay Muqdisho tageen oo ay wada hadalada qeyb ka yihiin, iyadoo aan la magacabin Ra,iisal wasaare iyo Xukuumad rasmi ah, wuxuu ugu yeeray Deni & Axmed Madoobe in ay qorshe cad la yimaadan si ay wada hadalalada  u miro-dhalaan.

“Annaga waxa nala yiraahdaa, Dowlada ayey wadashaqeyn dhow leeyihiin, waan ku faraxsanahay oo ku faaneynaa haddiiba nala lahayn dowlada ayey kala fog yihiin”ayuu yiri.

Hadalkaan Ka soo baxaya Madaxweyne Qoor Qoor ayaa ku soo aadaya iyadoo 10ka bishaan uu Magaalada Muqdisho ka Furmi doono Shirkii uu ku Casuumay Madaxweyne Farmaajo Madaxda Dawlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com