Laba ruux oo ku geeriyootay guri ku soo dumay Muqdisho

Warar dheerada ayaa ka soo baxaya khasaare kala duwan oo ka dhashay shaqaale uu ku soo dumay guri ay dhisayeen oo ku yaalla xaafadda Banaadir degmada Hodan ee magaalada Muqdisho, waxaan ka soo baxaya faah faahinno kala duwan.

Inta la xaqiijiyay laba shaqaale oo ah kuwii dhisaayay guriga ku soo dumay ayaa geeriyooday halka saddex kalane ay ku dhaawacmeen waxaana guriga la sheegay in uu ahaa guryihii hore kaas oo la doonayay in inta la dumiyo markale dib loo dhiso.

Goobta ayaa waxaa gaaray gaadiidka gargaarka deg dega ah kuwaa oo goobta ka soo qaaday dadkii ku dhaawacmay guriga soo dumay.

Goobta guriga uu ku soo dumay ma jirin cid ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir oo gurmad ahaan goobtaasi u tagay si ay u badbaadiyaan Bulshada.

Ma jirto wax wara oo wali ka soo baxay maamulka degmada Hodan oo ay dhacdadaan uga hadlayaan waxaana iminka la sii guda galayaa xilli roobaadkii.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com