Puntland oo ka tacsiyadeeysay dilka Gudoomiyhii degaanka Ballidhidin

Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Maxamed Dhabancad, ayaa ka tacsiyeeyey geerida Alle ha u naxariistee Guddoomiyihii  Degmada Balli-dhidin ee Gobalka Bari, Maxamed Axmed Muumin.

Guddoomiyaha ayaa waxaa degmada Balli-dhidin ku dilay Daacish ee ku sugan buuraha calmiskaad ee gobolka Bari.

Wasiirka waxaa uu Alle uga baryey Guddoomiyaha inuu Jannatu Fardawsa ka waraabiyo su’aasha qabriga u sakhiro, samir iyo iimaanna kasiiyo dhammaan, shacabka Puntland, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo qoyskii uu ka baxay.

Deegaanada Puntland ayaa waxaa ka socda la dagaalan kooxaha Daacish iyo Shabaab oo ku sugan qayba ka mida deegaanada Puntland, halkaas oo ciidamada difaaca Puntland iyo kooxahaas uu dagaal ku dhexmaro marar qaar.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com