Wasaarada Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya oo soo bandhigtay xogta Cudurka karoona Feeyris ee Soomaaliya

Wasaaradda caafimaadka ee XFS ayaa ka hadashayee  xogta Feyruska Karoona waxaana ay sheegtay in la diiwaan geliyay 136 xaalado cusub oo COVID-19 ah 48-kii saac ee la soo dhaafay,  5 qof ayaa u geeriyootay, waxaana ka bogsatay 41 ruux.

Wasiirka Caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Fowziya Abiikar Nuur ayaa sheegtay  in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir (60) Puntland (48), Somaliland (12) Galmudug (8) Jubbaland (6) iyo Koonfur Galbeed (2) qof, 80 ka mid ah bukaannada la xaqiijiyay waa rag, halka 56-na ay yihiin haween.

Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 16,535, waxaa bogsootay 8,010 ruux. guud ahaan 897 ruux oo kale ayaa u geeriyootay cudurka.

Wasiir Fowziya Abiikar Nuur ayaa bulshada ka codsatay inay qaataan talooyinka caafimaad ee laga helayo khuburada caafimaadka ku takhasusay iyo wacyi gelinta kale ee bulshada lagu ogeysiinayo khatarta cudurkaan uu dadka ku keeni karo, maadaama uu markale soo labo kacleeyay halista cudurka COVID-19, ayna ku dadaalaan qaadashada talaalka cudurka.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com