Dibad bax looga soo horjeedo ciidanka Amisom oo maanta muqdisho ka dhacay

Dad shacab ah ayaa banaan bax maanta ka dhigay Taalada Daljirka Dahsoon ee Magaalada Muqdisho, kuwaas oo ka xun dil ay 7 ruux oo shacab ah ugu gaysteen ciidamada Uganda ee AMISOM deegaanka Golweyne ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Dadka baanbaxayey oo watay boorar ayaa ku dhaswaaqayay  , Dil gardaro ah doonimayno, Xansuuq dooni mayno, iyo Erayo  kale, waxayna si weyn u muujiyeen sida ay uga xunyihiin dilka dadkaas loo gaystay.

Dibad baxayaasha oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inCiidamada  Uganda ee AMISOM ay si xaqdaro ah  ku dileen dadkaas ayna ahaayeen beeralay beerahooda falanayey, laguna tilmaami karo xad gudub ay gaysanayaan ciidamada Uganda.

Dadkii Ciidanka Amisom dhawaan ay ku dileen degaanka Golweyn ee gobolka shabeelaha Hoose ayaan ilaa hadda Meydadkooda la aasin, waxaana Ehelada Dadka la dilay ay dalbadeen Cadaalada in la horkeeno ciidankii ka dambeeyay Xasuuqa Dadkaasi loo geystay

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com