Muuse Biixi oo Balan qaad lacageed ka helay Madaxweyne Farmaajo.

Hargeysa, Hogaamiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa shaaca ka qaaday balan qaad lacageed oo dhex maray Madaxweyne Farmaajo iyo Muuse Biixi.

Faysal Ali Waraabe ayaa xusay in balan qaadkaas lacageed uu garwadeen ka ahaa Ra,isul Wasaaraha Itoobiya Aby Ahmed.

Waxaa uu sheegay in Madaxweyne Farmaajo u balan qaaday Muuse biixi in uu siin doono 30% marka deynta laga cafiyo dowlada.

Sidoo kale uu sin doono $800 milyan oo doolar si uu u yimaado Hargeysa ka horna ku kulmaan Magaalada Jabuuti.

“Muuse Biixi, waxa uu baab’iyay gudaha, waxa uu sameeyay qiyaano, 10-kii bisha waxaa loosoo diray telefoon, $800 Milyan oo Doolar oo la siinayo Soomaaliya marka deynta laga cafiyo ayaa looga ballanqaaday 30% in laga siinayo, kaliya waxaa shuruud looga dhigay in Farmaajo uu kula kulmo Jabuuti, wuuna aqbalay” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.

Arintaan hadii ay xaqiiq noqoto waxaa meesha ka bixi doona aaminaadii shacabka Somaliland ku qabeen dowladooda oo muda dheer ku hamineysay in ay ka go,aan Soomaaliya inteeda kale.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com