Dhageyso: Gudoomiyaha Maxkamada G Banaadir oo ku baaqay dhismaha xabsi Caruur

Muuse Macalin Qalinle oo ah Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa soo jeediyay in la helo Xabsi u gaar ah Carruurta gala dambiyada si halkaas loogu hayo.

Waxaa uu soo jeediyay in Xabsiyada dalka loo baahanyahayn lagu kordhiyo goobo u gaar ah Carruurta.

Waxaa uu tusaale u soo qaatay laba Carruur ah oo uu dhawaan isaga sii daayay kaddib markii sida uu sheegay iyaga oo dambi galay haddana aan la heyn meel lagu hayo.

Xeerka Ciqaabta ayuu sheegay in uu sheegayo in 14 jir wixii ka hooseeya dambiga ay galaan aysan mas’uul ka ahayn hayeeshee 14 jir iyo wixii  ka weyn dambiga ay geystaan loo heysto.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in xeerkaas uu diiday Dastuurka KMG  ah kaas oo Carruur u yaqaanna wixii ka yar da’da 18 jir.

Labada Carruurta ah ee uu sii daayay ayuu sheegay in ay geysteen dambi muuqda hayeeshee aysan mas’uul ka noqon karin.