puntland oo laga xusay 50 Guuradii ka soo wareegatay Aasaaska Ciidanka Asluubta

Mas,uuliyiin ka Tirsan Maamulka Puntland ayaa ka qayb galay munaasabad si weyn loo soo Agaasimay oo looga hadlayay 50 guuradii ka soo wareegatay Aasaaska Ciidanka Asluubta.

Munaasabada oo lagu qabtay xarunta Taliska Guud ee Ciidamada Asluubta Puntland, waxaa sidoo kale ka qayb galay xubno ka mid ah Goleyaasha Dowladda, Taliyaha Ciidamada Asluubta Dowladda Puntland Gen. Cali Nuur Cumar, Xeer- ilaayaha guud ee dowladda Puntland Maxamuud Xasan Aw-cismaan, Saraakiil Ciidan,Xubno ka socday Bulshada Rayidka iyo Marti sharaf kale.

Mas’uuliyiintii kala duwanaa ee ka qeyb-galay Xuska ayaa ka sheekeeyay Taariikhda as’aaska Ciidamada Asluubta Soomaaliya, waxaana ay hambalyo iyo bogaadi u direen Talisyada kala duwan ee Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed gaar ahaanna kuwa Puntland.

 

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com