Dawlada Itoobiya oo ka hadashay kulankii Farmaajo ee Adis Ababa

Dowladda Federaalka ah ee Waddanka Itoobiya ayaa war ka soo saartay kulan dhawaan ka dhacay Magaalada Adis ababa oo dhexmaray Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Madaxweynaha Maamulka Somaliland.

Kulankaas oo uu ka shaqeeyay ra’isalwasaaraha Itoobiya ayaa ka dhacay xafiiska Abiye Axmed ee Magaalada Adis ababa.

Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya oo ka hadashay raali gelintii Madaxweyne Farmaajo iyo aqbalaaddii Muuse Biixi ayaa ku tilmaantay isu soo dhawaansho ka dhex jira Dowladda Federaalka ah iyo Maamulka Somaliland.

Warbixinta wasaarada ayaa waxa kale oo lagu xusay qaabkii uu uga jawaab celiyay raali-gelintaasi Madaxweynaha Somaliland, waxaana lagu yiri “Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa soo dhaweeyay raali-gelin guud oo uu Madaxweyne Maxamed Farmaajo ka bixiyay xasuuqyadii Siyaad Barre. Madaxweyne Biixi wuxuu ugu sacabo tumay talaabadan inay tahay mid gaar ah oo taariikhi ah”.

Hadallada labada hoggaamiye kaddib Wasiirka maaliyadda Itoobiya ayaa tagay Magaalada Hargeysa iyada oo ay jireen warar sheegayay in ay qal qaalinayaan safar Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’isalwasaaraha Itoobiya ku tagayaan Hargeysa.

Muuse Biixi oo khudbad ka hor jeediyay labada Gole ee Baarlamaanka Somaliland ayaa sheegay in uusan aqbaleyn booqashada Madaxweyne Farmaajo ee Magaalada Hargeysa.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com