Maamulka Gobolka Banaadir Muxuu ka yiri Tacadiyada Kufsiga ah ee loo geysto Haweenka Soomaaliyeed ee ku nool Muqdisho?

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa  Caasimada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Finish ayaa xalay guddoomiyay shirka Isbuuclaha ee degmooyinka Gobolka Banaadir, Islamarkaana looga hadlay Dardargelinta Sugida Amniga Caasimada Muqdisho

 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir  Cumar Finish ayaa Amray laamaha amniga gobolka inay si degdeg ah wax uga qabtaan xaaladaha  amni darro, tacadiyada muddooyinkan ku soo kordhay Muqdisho ee la xiriira kufsiga  Haweenka Soomaaliyeed.

 

Afhayeenka Maamulka gobolka Banaadir Saalax Cumar Xasan ayaa sheegay in maamulka gobolka Banaadir uu bilaabi doono hawlgalo lagu Xaqiijinayo Amniga iyo Tacadaiyada loo geysto Dumarka

 

Waxaa uu intaasi ku daray in dadka isticmaala maandooriyaha ay ka qeyb qaataan falalka amni darrao ee ka dhaca Magaalada Ciisamada ah ee Muqdisho iyo falal kufsi ah oo maalmahaan ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com