Maxay ka wada Hadleen Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeele?

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa  ee Aqalka Madaxtooyada ku qaabilay Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Sheekh Cusmaan Barre.

Kulankan oo  ahaa soo dhoweeyn, ayaa labada Mas,uul waxa ay ka wada hadleen xaalada siyaasadeed ee dalka, Amniga  iyo doorashooyinka  dhawaan ka dhici doona Hirshabeelle.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Sheekh Cusmaan Barre ayaa sheegay inuu kala hadlay Arrimaha dowlad goboleedka Hirshabelle iyo Sidii Xukuumadda Cusub ee Soomaaliya gacan uga geysan lahayd  Doorashooyinka Hir shabeele ,

Gudoomiyaha Baarlamaanka Hir shabele Sheekh  Cusm,aan Bare ayaa Yiri:

“Waxaan sallaan iyo Hambalyo ugu tagay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya wasaaraha cusub e Mudane Maxamed Xuseen Rooble, waxaan u rajeynayaa inuu alle lagarab galo masuliyada culus oo bulshada u qabtay, sidoo kale waxaan kawada hadalnay marxalada siyaasadeed ee dalka Gaar ahaan Arimaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle ayuu yiri” Guddoomiye Sheekh Cusmaan Barre.

Ugu Dambeyntii Gudoomiye Sheekh Cusmaan Barre ayaa Ugu Baaqay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya in uu soo dhiso Xukuumad Tayo leha dalkana doorasho gaarsiin karta.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com