Gudoomiyihii gobalka Nugaal oo u geeriyooday dhaawac ka soo gaara Qarax ka dhacay Garoowe

Alle ha naxariistee, waxaa saacado  ka hor isbitaalka Garoowe ku geeriyooday Guddoomiyihii Gobolka Nugaal Cabdisalaan Xassan Xirsi (Gu’jir) oo xalay  dhaawac culus ka soo gaaray qarax ismiidaamin ah oo lagula eegtay Albaabka hore ee saldhiga Magaalada Garoowe.

Geerida Guddoomiyaha, waxaa warbaahinta u xaqiijiyay dhaqaatiir ku sugan isbitaalka Garoowe iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Puntland, waxaana ay sheegeen in uu geeriyooday, kadib  qalliin lagu sameeyay.

Sidoo kale, waxaa weli isbitaalka lagu dabiibayaa Taliyihii hore ee Qeybta Booliiska Gobolka Nugaal G/sare Faarax Cabdiraxmaan Warsame  (Galan-goolli) iyo qof shacab ah oo isna

Qaraxaas oo dhacay fiidnimadii caawa, waxaa mas’uuliyaddiisa sheegtay malayshiyaadka  Al-shabaab, kadib qoraal ay ku baahiyeen warbaahinta taageerta kooxdaas.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka  Puntland oo qaraxa ka hadlay, ayaa dhankooda sheegay in baaritaan lagu hayo cidda ku lug leh qaraxaasi.

Xafiiska Wararka,muqdisho.

Info@aragticusub.com