Madaxweynaha puntland oo cambaareeyay Qaraxii Garoowe

Madaxweynaha maamulka  Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka tacsiyeeyay geerida Alle ha u naxariistee,  Guddoomiyihii Gobolka Nugaal Cabdisalaan Xassan Xirsi Gu’jir oo u dhintay qarax ismiidaamin ah oo xalay fiidkii lagula eegtay iridda hore ee saldhiga bartahama magaalada Garoowe.

Madaxweynaha  Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaaya macagaca Dowladda iyo kan Shacabka Puntland waxa uu ka tacsiyaynayaa Geerida Alle ha u naxariistee Guddoomiyihii gobolka Nugaal Marxuum Cabdisalaan Xasan Xirsi (Gujir) oo arxan laawayaasha cadawga ummadda Soomaliyeed gaadmo ismiidaamin ah dhaawac kasoo gaadhay hadda u geeriyoodey, Guddoomiyuhu waxa uu gudanaayey waajibaadkiisa shaqo ee uu u hayo shacabkiisa, waxaana uu ku sugnaa xilligaasi Saldhigga Dhexe ee caasimadda  Puntland ee Garoowe” ayaa lagu yiri Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Puntland.

Madaxweyne Deni waxa uu tiiraanyada Geeridaasi la qaybsanayaa shacabka Puntland, gaar ahaan eheladii, qaraabadii, qoysaskii iyo awlaaddii uu ka baxay Guddoomiye Marxuum Cabdisalaan Xasan Xirsi (Gujir), waxaana uu Alle uga baryayaa inuu dembigiisa dhaafo samir iyo iimaanna kasiiyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Puntland, ehelkiisii iyo qaraabadiisiiba.”

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa si kulul u cambaareeyay qaraxaasi lala beegsaday Saldhigga Dhexe ee Caasimadda Dowladda Puntland ee Garoowe “waxa uu Madaxweynuhu Alle SWC uga baryayaa intii ku dhaawacantay inuu u boogadhayo, waxaana uu Madaxweynuhu bogaadiyey ka hortagga deg degga ah ee ay ciidamada Puntland kaga hortageen cadawga gabood falkaasi la damacsanaa shacabka iyo masuuliyiinka waajibaadkooda shaqo gudanaayey.” Ayuu sii raaciyay Qoraalka.

Xafiiska Wararka,muqdisho.

Info@aragticusub.com