Maleeshiyo Beeleed weerartay xaruunta shirkada Amal ee Degmada Burtinle

Malayshiya-beeleed hubaysan ayaa qabsaday Xarunta Shirkadda AMAL ee ku taalla Degmada Buurtinle ee Gobolka Nugaal.

Shirkadda AMAL ayaa la sheegay in ay taallo lacag la doonayay in dhaqtar dibadda ah loogu qaado Alle ha u naxariistee gabar lagu magacaabi jiray Iimaan Cabdiraxmaan Axmed oo ka soo jeeday Degaanka taas oo  geeriyootay 22-kii Maarso 2018.

Geerida Marxuumadda kadib ayaa la sheegay in xubno ka tirsan Xigtada gabadha ay muran ka dhex dhalisay Lacagtu taas oo sababtay in dableey hubaysan ay qabsato Xarunta Shirkadda ee Degmada Buurtinle.

Waxa haatan socota waan-waan lagu doonayo in Dableeyda hubaysan looga saaro xarunta Shirkadda sida ay Warbaahinta  u sheegeen qaar kamid ah Waxgaradka Buurtinle.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com