Ciidanka Jubland oo la wareegay Degaanka Janaay Cabdalle ee gobolka Jubada Hoose

Wararka ka imaanaya Gobolka Jubada Hoose, ayaa sheegaya in Ciidamada Daraawiishta Jubaland ay Saaka Al-shabaab kala wareegeen Degaanka Jannaa-cabdalle ee Gobolkaasi.

Saraakiisha Ciidamada Daraawiishta Jubaland, ayaa laga soo xigtay in ay Al-shabaab ka saareen Degaanka Jannaay-cabdalla, oo u dhexeeya Degmooyinka Kismaayo iyo Afmadow, islamarkaana mid kasta u jira qiyaastii 60KM.

Al-shabaab ayaa la sheegay in ay Degaanka u taallay isbaaro ay lacago badan kaga qaataan Gaadiidka u kala goosha Degmooyinka Kismaayo iyo Afmadow, halkaas oo dhaqaale ahaan mudnaan gaar ah u lahayd.

Saraakiisha Ciidamada Jubaland, waxay sidoo kale ballan-qaadeen in ay sii wadayaan hawlgalka ka dhanka ah Al-shabaab, si looga saaro dhammaan Degaannada Gobolkaasi.

Wararka ka imaanaya Gobolka Jubada Hoose, ayaa sheegaya in Ciidamada Daraawiishta Jubaland ay Saaka Al-shabaab kala wareegeen Degaanka Jannaa-cabdalle ee Gobolkaasi.

Saraakiisha Ciidamada Daraawiishta Jubaland, ayaa laga soo xigtay in ay Al-shabaab ka saareen Degaanka Jannaa-cabdalla, oo u dhexeeya Degmooyinka Kismaayo iyo Afmadow, islamarkaana mid kasta u jira qiyaastii 60KM.

Saraakiisha Ciidamada Jubaland, waxay sidoo kale ballan-qaadeen in ay sii wadayaan hawlgalka ka dhanka ah Al-shabaab, si looga saaro dhammaan Degaannada Gobolkaasi.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com