Madasha Xisbiyada Qaran oo baaq ka soo saartay kulamada ka socda Muqdisho

Madasha Xisbiyada Qaran  ee ay Madax ka yihiinMadaxweynayaashii Hore Soomaaliya  Shariif Sheikh Axmed iyo Xasan Sheikh ayaa soo saartay dalabyo ku wajahan shirkii la filayey inuu Muqdisho ku dhex-maro madaxweyne Farmaajo iyo madaxweyne goboleedyada Jubaland ee Puntland, balse baaqday kadib shuruudo ka yimid Jubaland.

Madasha ayaa ka dalbatay Madaxweynaha Dowladda Federaalka inuu shirkani noqdo mid ay goobjoog ka yihiin dhammaan Maamulada Xubnaha ka ah Dowladda Federeelka si looga gudbo, bay yidhaahdeen, khilaafka hadheeyay hannaanka doorashada, loogana gaadho go’aanno kama danbays ah oo loo dhanyahay.

Waxay sidoo kale ugu baaqday hoggaanka dalka heer Federaal iyo Dowlad Goboleedba inay la yimaadaan isu tanaasul ayna muujiyaan dabacsanaan una dhimriyaan dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

“Madashu waxay u aragtaa kulankan inuu yahay fursad qaali ah oo looga heshiiyo hannaanka doorasahada dalka ee 2020/2021, sidaas awgeed waxay Madashu ku talinaysaa in si waafi ah looga farabuuxsado talada iyo go’aannada kasoo baxaya shirka, lagana fogaado in dalka iyo dadkaba la galiyo jahwareer siyaasadeed,”.

“Madashu waxay ku baaqaysaa in la ballaariyo gogosha looga arrinsanayo arrimaha doorashooyinka dalka laguna casumo hoggaanka ururada Bulshada rayidlka ah iyo xisbiyada sayaasadeed, si looga feejignaado wax kasta oo keeni kara khilaaf.”

Madasha ayaa sidoo kale ku baaqday in dib u eegis lagu sameeyo qaar ka mid ah qodobbadii ka soo baxay shirkii Dhuusamareeb(3) gaar ahaan “qodobbada aan la jaanqaadi karin in doorashadu wakhtigeeda ku dhacdo.”

Waxay sidoo kale sheegtay inay ka digeyso “heshiis kasta oo u gogol xaari kara muddo kororsi.”

“Madasha Xisbiyada Qaran  iyadoo ka amba qaadaysa marxaladda dalku uu marayo iyo sooyaalkii siyaasadeed, Madashu waxey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Xasuusineysaa inuu garab maray dhaqankii Dawliga ahaa ee 20kii nano ee lasoo dhaafay oo ahaa in muddo 30 maalmood gudahood lagu soo magacaabo Reysul Wasaare, taasoo ka dhigan inuusan Madaxweynuhu wali si dhab ah u wajihin xaaladda kala guurka ah ee dalku marayo.”

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com