Madaxweyne Qoo Qoor oo kulamo Dalka Jabuuti kula yeeshay Hay,adaha Amniga Dalkaasi

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo wafdigiisa maalmahan ku sugnaa dalka Jabuuti ayaa kulan la qaatay Wasiirada Wasaaradaha Amniga, Arimaha gudaha iyo Taliyaasha Ciidamada ee Dawladdda Jabuuti.

Kulanka ayaa waxaa diirada lagu saaray amniga iyo sidii ciidamada hiil-walaal iyo kuwa Galmudug iskaga kaashan lahaayeen howlgalada lagaga hortagayo Alshabaab, iyo in ay dowlada Jabuuti sii xoojiso taageerada ay siiso Galmudug.

Dhinaca kale  Madaxweynaha Galmudug  ayaa inta uu ku sugnaa dalka Jabuuti wuxuu ka qeyb galay Munaasabadda dhagax-dhigga Dekadda cusub ee Damerjog ee Jabuuti, Taasi oo lagu wado inay Noqoto dekadda ugu weyn dalka Jabuuti iyo geeska africa.

Munaasabaddan ayaa waxaa si wadajir ah u dhagax dhigay Madaxweynaha Dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com