Deni oo la kulmay xubnaha Puntland ku metela dowladda (SAWIRRO)

Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Puntland ayaa xalay Magaalada Muqdisho casho sharaf ugu sameeyay xubnaha Puntland ku metela Dowladda Federaalka.

 

Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha uu xubnahaasi uga warbixiyay xaaladda Puntland iyo guud ahaanba tan dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ee dalka.

Qoraalka waxaa lagu sheegay in Madaxweyne Deni uu sidoo kale xubnahaasi uga xog waramay juhdiga, ay Puntland ku bixineyso inay doorashadu noqoto mid la’isla ogolyaay, isla-markaana ku qabsoomta xilligii loogu talagalay.

“Madaxweynaha ayaa la wadaagay xubnahan warbixin ku saabsan Puntland iyo guud ahaan Somaliya, gaar ahaan marxaladda doorashada ee dalku marayo iyo dadaalka Puntland ugu jirto inay qabsoomto doorasho la’isla ogolyahay oo waqtigeeda dhacda.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Xubnaha uu Madaxweyne Deni la kulmay ayaa isugu jira Wasiiro, Xildhibaano iyo Senatoro, kuwaa oo dhammaan Puntland ku metela Labada Aqal ee Baarlamaanka iyo Golaha Xukuumadda.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com